Garoowe (Dawan)- Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si cad u sheegay in Puntland diyaar u tahay in ay furto wadahadal lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee kala dhexeeya iyaga iyo dowladda federaalka. Isaga oo ka hadlaya goob fagaare ah, Madaxweyne Deni wuxuu ku baaqay in wadaxaajoodyada lagu qabto meel fagaare ah, si bulshada Soomaaliyeed ay marqaati uga noqoto.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Puntland diyaar u tahay in haddii ay qaldan tahay la saxo, haddiise ay saxan tahay la taageero. "Haddii aan qaldanahay, in nala-qabtaan ayaan dooneynaa, haddii aan saxanahayna in nala ayido," ayuu yiri Madaxweyne Deni.





