Garoowe (Dawan)- Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirada ee Puntland yeesheen ayaa looga hadlay go'aanka uu Baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyay wax ka bedelka cutubyada 1-aad ilaa 4-aad ee Dastuurka dalka.
Puntland ayaa ku tilmaamtay tillaabadaas in ay tahay mid sharciga baalmarsan oo laga leeyahay dano gaar ah, sidoo kalena burburineysa sharciyaddii iyo heshiisyadii illaalinayay midnimada dalka ee ku dhisanaa hannaanka Federaalka ah.



