New York (Dawan)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa shalay usoo magacaabay Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe inuu noqdo ku-xigeenka cusub ee Ergayga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Zenenga ayaa buuxi doona booski ay banneysay Anita Kiki Gbeho oo kasoo jeeday Ghana loona wareejiyay bishii December 2023 Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, Zenenga ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee Libya isaga oo muujiyay inti uu joogay dalkaas dadaal dheeraad ah oo dhanka hawlgallada nabadda ah.
Zenenga ayaa khibrad dheer u leh arrimaha bini aadatinimada isaga oo kasoo shaqeeyay dalal badan oo ay ka mid yihiin Liberia, Libya, Iraq-Kuwait, Sierra Leone, Soomaaliyaa iyo Koonfurta Suudaan, wuxuuna hore u ahaa diblomaasi sare.
Zenenga ayaa ka qalin jabiyay Jaamacadda Zimbabwe, isaga oo soo bartay Maamulka iyo Cilmiga Siyaasadda, waxa uuna kusoo biiri doona kooxda ay hogaamiso Catriona Laing oo ah madaxa xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya tan iyo March 2023.
Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM), waxaa lagu aas-aasay qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu ahaa 2102 soona baxay 3-dii June 2013-kii, iyada oo dhowr jeer la cusbooneysiiyay mudda xileedka Howlgalka oo hadda ku eg 31-ka October 2024.



