Gaza (Dawan)- Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegtay in in ka badan 9,000 oo haween ah ay ku dhinteen weerarada aan kala joogsiga lahayn ee ay Isarel ka waddo Marinka Gaza.
Sidaa waxa sheegtay Agaasimaha u qaabilsan Qaramada Midoobay Arrimaha Haweenka, Sima Bahouth, xilli ay ka socotay Magaalada New York munaasabad lagu xusayay maalinta haweenka adduunka ee la dhigo 8-da March ee sannad kasta.
Sima Bahouth ayaa tilmaamtay in dhibaatada ugu badan ee dagaalada in ay soo gaarto haweenka iyo carruurta, iyada oo xustay dhibaatooyinka ay wajahayaan haweenka ku nool dalalka Haiti, Suudaan, Myanmar, , Ukraine, Afgaanistaan iyo meelo kale oo adduunka ah oo ay colaado ka jiraan.







