Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa mar kale ku celiyay in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed. Hadalkan ayuu jeediyay kadib booqasho uu ku tagay magaalada Baydhabo, oo uu kula kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo xubno ka tirsan maamulka.
Kulanka labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin dhismaha dowladnimada, amniga, gurmadka bini’aadantinimo, iyo diyaarinta doorashooyinka deegaanka ee la filayo in ay ka dhacaan Koonfur Galbeed. Sida uu sheegay Swan, Madaxweyne Laftagareen ayaa uga warbixiyay wada shaqeynta ay la leeyihiin Guddiga Doorashooyinka Qaranka (NIEC) si loo hirgeliyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorasho toos ah oo golayaasha deegaanka ah.
Swan ayaa muujiyay in Qaramada Midoobay ay taageersan tahay dadaallada socda, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la helo jawi siyaasadeed oo furan si loo suurtageliyo doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Wakiilka QM ayaa sidoo kale taageeray hindisaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee abuurista madal wadatashi qaran ah oo ay ka wada qeyb galaan dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed iyo kuwa bulshada.



