By Abukar Osman
Muqdisho (Dawan) – Wafuud ka socotay Kooxda Taageerada Doorashada ee Isku-dhafan ee Qaramada Midoobay (IESG) ayaa booqatay xarunta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) Talaadadii.
Wafdigan oo uu hogaaminayay Deryck Fritz, madaxa IESG, ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Cabdi Kariim Axmed Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga.
Sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka, ujeedada booqashada ayaa ahayd in la qiimeeyo oo la taageero dadaallada socda ee diiwaangelinta codbixiyayaasha ee dalka oo dhan. Intii ay joogeen, wafdiga ayaa booqday goobaha hawlgalka ee Guddiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin Qolka Hawlgallada, Xarunta Wacitaanka, iyo Xarunta Xogta, kuwaas oo muhiim u ah habka diiwaangelinta codbixiyayaasha.



