Khartoum (Dawan)- Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ku baaqay in ciidan nabad ilaalin loo diro dalka Suudaan si loo badbaadiyo dadka rayidka ee dhibaatadu kasoo gaartay colaadda dalkaas ka jirta ee sababtay in malaayiin qof ay noqdaan hoy la’aan, kuwa kalena ay wajahayaan gaajo.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo kooxda kasoo horjeeda ee RSF ayaa galay bishii 17-aad, waxayna labada dhinac dileen dad badan oo ay ku jiraan carruur, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday guddigaan oo loo bandhigi doono toddobaadka soo socda Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.
Labada dhinac ayaa lagu eedeeyay inay ku guul darreysteen inay ilaaliyaan dadka rayidka taas oo keentay in loo baahdo ciidan caalami ah oo dhexdhexaad ah awoodna u leh laalinta rayidka
Maxamed Shandi Cismaan , guddoomiyaha guddigan ayaa sheegay in dagaalka ka socda Suudaan, oo ah waddan weyn oo ku yaal Badda Cas ee waqooyi-bari Afrika, inuu qalqal geli doono xasilloonida wadamo badan oo gobolka ah.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dagaalku joogsan doono marka la hubiyo dowladaha ku lugta leh sii hurinta dagaalka kuwaas oo looga digay inay ka qayb noqdaan dembiyada dagaal ee caalamiga ah iyaga oo hub siinaya dhinacyada dagaalamaya.





