Muqdisho (Dawan)- Boliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in seddex qof ay dhinteen labo kalena ay dhaawacmeen kadib markii ruux isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay maqaayad ku taal Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.
"Aabaaro 11:40Am, ayaa qof naftii haligaa isku qarxiyay banaanka hore ee makhaayada Alhindi. Qasaaraha ka dhashay, ayaa ah Dhimasho 3 iyo Dhaawaca 2 qofood oo goobta ka dhawaa" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Boliiska.
Maqaayadda uu qaraxu ka dhacay oo lagu magacaabo Al-Hindi ayaa ku taal meel u dhaw Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Hoose.
Dhanka kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, iyada oo tilmaamtay in lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan Nabad sugidda dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradaha, sida ay baahisay Warbaahinta ka ag dhaw.



