Gaarisa (Dawan)- Booliska Gaarisa ayaa Jimcihii xaqiijiyay in ugu yaraan afar qof ay ku naf waayeen, 5 kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ka dib markii gaari ay saarnaayeen oo rakaab ahaa uu dulmaray walxaha qarxa ee dhulka lagu aaso xilli ay marayeen inta u dhaxeysa Egge iyo Bogyar ee ku teedsan waddada Dhadhaab-Gaarisa ee duleedka magaalada Dhadhaab.
Gaariga qaraxa lala beegsaday waxaa saarnaa 11 qof oo rakaab ah oo kamid yihiin Ugaas Amiin Ugaas Xasan iyo wiilkiisa, wuxuuna qaraxu burbur xooggan gaarsiiyay gaariga.
Gaariga la qarxiyay ayaa ku wajahnaa magaalada Kullan oo ka tirsan deegaanka Dhadhaab oo lagu waday in manta oo Sabti ah ay ka dhacdo munaasabad lagu caleema saaraya ugaas cusub.
Qaraxaan ayaa imaanaya iyadoo Guddoomiyaha Amaanka ee Ismamulka Gaarisa, Solomon Chesut uu xusay in ciidamada ammaanku ay ku guulaysteen in ay fashiliyaan 2-dii December isku day weerar oo ay Al-Shabaab ku doonayeen in ay ku qaadaan deegaanka uu hadda qaraxa ka dhacay



