Jabuuti (Dawan)- Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Britain, ayaa sheegtay in qarax uu ka dhacay meel u dhaw Marakab marayay meel u jirta 70-Mile Dekedda Jabuuti.
Hay'addu waxa ay warkeeda ku caddeysay in uusan jirin wax khasaara ah oo soo gaaray Markabka sidoo kalena ay bad qabaan dhammaan shaqaalihii saarnaa.
Dowladda Jabuuti ayaa shan maalin ka hor soo badbaadisay shaqaala la socday Markab lagu weeraray Badda Cas, kadib markii ay soo gaartay Dekadda Jabuuti farriin lagu dalbanayo gargaar.
Shaqaalaha lasoo badbaadiyay ayaa ka koobna 24 qof oo isagu jiray 11 Suuriyaan ah, lix Masaari ah, afar Filibiin ah iyo saddex Hindi ah, sida laga soo xigtay Hay’adda Dekedaha Jabuuti.



