Mandheera (Dawan)- Deegaanka Iresuki ee Mandheera ayaa saaka subaxnimadii hore ka dhacay qarax miino, kaas oo haleelay gaari ambulance ah oo uu lahaa Isbitaalka weyn ee Mandherra, sida ay sheegatay idaacadda Dawa FM.
Ambulance-ka, oo uu saarnaa bukaan laga keenay deegaanka Kutulo si loogu qaado Mandhera, ayay miinadu la kacday intii uu ku sii jeeday isbitaalka.



