Mandheera (Dawan)- Ugu yaraan laba Boolis ah ayaa ku dhintay fiidnimadii Axadda, lix kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii miino dhulka lagu aasay ay la kacday baabuur ay saarnaayeen.
Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay dhacdadaan, waxayna sheegeen in qaraxa lala beegsaday saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska oo ku sii jeeday magaalada Mandheera.
Warbixin kasoo baxday Booliska ayaa lagu sheegay in hal askari ku geeriyooday isla goobta uu qaraxa ka dhacay, halka midka labaadna uu dhintay markii la geeyay isbitaalka.
warbixinta yaa intaas ku dartay in laba ka mid ah lixdii dhaaawacantay ay xaaladoodu aad u liidato, una baahanyihiin la tacaalid gaar ah .
Falalka argagixisada ee ka dhici jiray gobolada Waqooyi-Bari Kenya ayaa hoos u dhacay kadib markii la xoojiyay wada shaqeynta ka dhaxeysa dadka deegaana iyo ha’ayadaha amniga .
Weerarada Al-Shabaab ayaa saameyn ku yeeshay nidaamka waxbarashada iyada oo macallimiinta aan Soomaalida ahayan iska diideen inay dib u bilaabaan shaqadooda iskuullada ku yaala Mandheera, Wajeer iyo Gaarisa.



