Bamako (Dawan)- Qaraxyo xoogan iyo is rasaasayn muddo socotay ayaa laga maqlay subaxnimadii hore ee maanta xaafado badan oo ka tirsan magaalada Bamako ee caasimadda dalka Mali, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters
Goobaha laga maqlay is rasaasaynta waxaa ka mid ah garoonka diyaaradaha iyo meel u dhaw xarun ay degganyihiin ciidamo oo ku taal caasimadda.
War-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Mali ayaa lagu sheegay in maamulka magaalada Bamako uu ku jiro gacanta ciidamada amaanka, iyada oo laga hortegay weeraro lagu soo qaaday dugsiga tababarka ciidamada ee Gendarmerie.






