Muqdisho (Dawan)- Qeybo ka mid ciidamadii tababarka u joogay dalka Eretria ayaa xalay dalka dib loogu soo celiyay, iyada oo ay dowladdu qorsheyenyso in ay sii laba jibbaarto dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab.
Lama oga tirada dhabta ah ee ciidamda lagu soo celiyay dalka, balse wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ugu yaraan shan duulimaad ay gaarayaan diyaaradaha lagu soo daabuulay ciidanka.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Ciidamadaan lagu xareeyay xeryo ku yaal magaalada Muqdisho oo hore loogu sii diyaariyay, waxaana la filaya in dhawaan loo sii daabuulo gobolada dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan booqasho ku tegay dalka Eretria isaga oo la kulmay ciidamada kala duwan ee tababarka ku qaadanaya dalkaas .



