Muqdisho (Dawan) – Qaramada Midoobay oo kaashanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 21-ka Luulyo qabatay shir heer sare ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo looga dooday Khariidadda Kala-guurka (Transition Roadmap) ee la xiriirta garsoorka, cadaaladda, xabsiyada, iyo laamaha amniga, gaar ahaan booliiska iyo ammaanka badda.
Sida uu sheegay Xafiiska Howlgalka Kaalmaynta Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), shirkan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Waaxda Qaramada Midoobay ee Sharciga iyo Hay’adaha Amniga (ROLSIG) iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Wuxuu qeyb ka yahay wadatashiyo ballaaran oo lagu diyaarinayo wajiga labaad ee kala-guurka howlgalka UNTMIS.
Wajigan labaad ayaa la qorsheeyay inuu socdo laga bilaabo 1-da Nofeembar 2025 illaa 31-ka Oktoobar 2026, iyadoo la raacayo go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2753.
Shirka waxaa ka qeyb galay saraakiil sare oo ka socday Wasaaradda Caddaaladda, Booliiska, Hay’adaha Ammaanka Badda, Maamulka Xabsiyada, iyo khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo qeexi lahaa tallaabooyinka muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah in si habsami leh loogu wareejiyo masuuliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Danjire Yuusuf Garaad, oo ka qeyb galay kulanka, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda hoggaan Soomaaliyeed iyo wada-shaqeynta heer qaran. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay sida shirkan si ballaaran loogu casuumay hay’adaha dowladda iyo la-hawlgalayaal caalami ah.
Nasrin Khan, oo ah madaxa ROLSIG ee UNTMIS, ayaa sheegtay in kulanku yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladda Soomaaliya:



