Muqdisho (Dawan)- Iyadoo laga jawaabayo burburka baahsan ee ka dhashay roobabkii lixaadka lahaa iyo fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya, ayaa Qaramada Midoobay waxay 10 milyan oo dollar u qoondeysay Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay.
Maalgelintan deg-degga ah, oo ay weheliso 15 milyan oo dollar oo ay hore ugu bixisay Sanduuqa Bani'aadamnimada ee Soomaaliya, ayaa loogu talagalay ka hortagga dhibaatooyinka iyo wax ka qabashada baahiyaha bani'aadamnimo ee degdegga ah.
Lacagtu waxay taageeri doontaa waxqabadyada muhiimka ah oo ay ka mid yihiin hoy degdeg ah, gargaar caafimaad, iyo helitaanka biyo nadiif ah taasi oo hiilo u noqon doonta fayadhowr-ka 1.2 milyan oo qof oo dhibaatadu saamaysay.
Martin Griffiths Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini'aadantinimada, ayaa iftiimiyay xaaladda degdegga iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay jawaab celin caalami ah oo isku xidhan.





