New York, 13 December 2025- (Dawan)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray amar cusub oo ku adkeynaya dalalka xubnaha ka ah inaan Soomaaliya la gayn karin hubka nuucaydiisa kala duwan, rasaasta iyo qalabka militari, iyada oo aan la wargelinin Dowladda Federaalka, si ay u samayso dib-u-eegis iyo oggolaansho rasmi ah.
Qaraarkan cusub ee si wadajir ah loo ansixiyay waxaa lagu cadeeyay in dhammaan hubka loo gudbinayo dowlad-goboleedyada, iyo qalabka shirkadaha ammaanka gaarka ah lagu soo wargeliyo Dowladda Federaalka ka hor inta aan la gelin gudaha Soomaaliya. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo hubka sharci-darrada ah , isla markaana la hubiyo mas’uuliyadda iyo isla xisaabtanka.
Golaha Ammaanka ayaa sheegay in nidaamkan cusub uu muhiim u yahay dhowr arrimood, oo ay ka mid yihiin: joojinta hubka ay helaand dagaalamayaasha Al-Shabaab , yaraynta khataraha amniga, iyo ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la xusay in dhowr jeer hub sharci-darro ah lagu soo geliyay dalka, kaas oo gacanta u galay kooxo hubeysan iyo qabiilo, taasoo abuurtay amni-darro baahsan.



