Jigjiga (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka socda dadaalo kor loogu qaadayo wax soo saarka beeraha si loo xaqiijiyo damaanad qaadka cuntada ee dadka ku nool deegaanka, sida uu sheegay Wasiir kuxgeenka Xafiiska Beeraha, Axmed Nuur Cabdi.
Wasiirka ayaa yiri; " Hirgalinta qorshaha iskutashiga wax soosaarka waa mid horseedaya ka kaaftoomida gacmo hoorsiga shesheeye"
Waxa uu intaas raaciyay in Xafiiska Beeraha Dowlad Deegaanka Soomaalida uu qaatay mas'uuliyadda ugu wayn ee Hirgalinta qorshaha iskutashiga dhinaca wax soosaarka, iyada oo lala kaashanayo xafiisyada kala duwan ee heer deegaan iyo heer degmo.
Wasiir kuxgeenka ayaa sidoo kale xusay in iyada oo laga faa’iidaysanayo khayraadka dabiiciga ah ee deegaanka uu xafiisku qorsheeyay in labeero 186 kun oo hectare iyada oo la beerayo labada xili roobaad iyo goobaha uu ka da'o roobka xilliga xagaaga sida gobollada Faafan iyo Sitti.
Dhanka kale, waxa uu bulshada deegaanka ugu baaqay in laga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee deegaanka isla markaana meel looga soo wada jeesto hirgalinta qorshaha isku tashiga si looga maarmo gacmo hoorsiga iyo kaalmada shisheeye.



