Muqdisho (Dawan ) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa si cad ugu baaqay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska in ay si fagaare ah uga dhiidhiyaan xubnaha Baarlamaanka UK ee taageeraya aqoonsiga Somaliland.
Xamse wuxuu hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu lafa-gurayay doorka qurbajoogta ee ku aaddan taageerada dowladda iyo taakuleynta ciidamada qalabka sida Xalay. Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin sare iyo qurbajoog Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalal badan oo caalamka ah.
Isagoo si toos ah ula hadlayay qaar ka mid ah qurbajoogta UK ayuu Ra’iisulWasaaruhu yiri:“Qurbajoogta Soomaaliyeed ee dalka UK ku nool, maalin walba dalka aad ku nooshihiin xildhibaano kamid ah ayaaa u taagan Soomaaliya ha kala go’do. Xaggee jirtaan? Maxaad qabaneysaan?
Wuxuu ugu baaqay in qurbajoogta ay abaabulaan isu-soo-baxyo iyo codsi fagaare ah oo ay ku muujiyaan mowqifkooda ka dhanka ah kala go’a Soomaaliya.
“Waxaan rabnaa hal maalin inaad isu soo baxdaan oo aad dhahdaan: ‘Arrintan ma aqbaleyno’. Haddii aad sidaas sameysaan, xildhibaan dambe oo UK ah kuma dhiiranayo arrimahaas,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.



