Muqdisho (Dawn)-Tababaraha cusub ee dhawaan loo magacaabay xulka kubadda cagata Soomaaliya Rachid Lousteque, ayaa sheegay inuusan marnaba ka laba-labeyn qabashada xilka Macallinimada xulka Qaranka Soomaaliya
Wareysi uu dhawaan bixiyay ayuu ku sheegay inuu aqbalay fursaddaan loo soo bandhigay, isaga oo ku tilmaamay fursadddii ugu weyneed xirfaddiisa ciyaareed.
"Waqti dheer iguma qaadan, inaan aqbalo shaqadaan, kamana laba-labeyn” ayuu yiri, Rachid Lousteque
Rachid Lousteque, ayaa raaciyay “ suurtagal ma aha inaad si fudud u hesho fursad ah tababarid Qaran, sidaad darteed markiiba waan aqbalay."




