Kuala Lumpur (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Malaysia, Anwar Ibrahim, ayaa si cad u cambaareeyay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabadaasi mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da bini’aadantinimo. Wuxuu sheegay in tallaabadan ay la xiriirto qorshayaasha Israa’iil ee ku saabsan barakicinta dadka Falastiin, gaar ahaan dadka Gaza.
Anwar Ibrahim ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Israa’iil ay sameysay fal ka soo horjeeda mabaadi’da nabadda iyo xuquuqda aadanaha, isagoo tilmaamay in dhaqamada noocan ah aysan keenin xal nabadeed, balse ay sii xoojinayaan dulmiga. Wuxuu carabka ku adkeeyay in isku day kasta oo lagu barakiciyo Falastiiniyiinta si qasab ah, gaar ahaan haddii loo raro Somaliland, uu yahay mid aan la aqbali karin.
“Falka noocan ah wuxuu xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da bini’aadantinimo, wuxuuna kaliya sii xoojinayaa dulmiga halkii uu ka caawin lahaa nabadda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Malaysia.




