Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo xasilloonida gobolka.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, madaxda ayaa sidoo kale ku adkeystay in la adkeeyo walaalnimada iyo xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo Jabuuti.
Xafiiska ayaa sheegaty in ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisu, DanQaran, ay gaartay horumar la taaban karo dhinacyada horumarinta, amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, iyo dhismaha dowladnimada, taasoo lagu gaaray iskaashi wax ku ool ah oo lala yeeshay hay’adaha kala duwan ee dowladda.





