Muqdisho. 13 December 2025 (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta sameeyay isbeddel kooban oo ku saabsan golaha wasiirrada, magaaabis loo arko inay qeyb ka tahay dadaallada xukuumadda ee lagu dardargelinayo howlaha shaqo, xilli ay jiraan cadaadisyo siyaasadeed iyo kuwa kale oo la xiriira waxqabadka hay’adaha dowladda.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Jamaal Maxamed Xasan loogu magacaabay Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga, halka Ayuub Ismaaciil Yuusuf loo dhiibay hoggaaminta Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, iyada oo xilalka laga qaaday Cilmi Maxamuud Nuur iyo Maxamuud Aadan Geesood, oo labadan wasaaradood horay u maamulayay.
Afhayeenka Xukuumadda, Cabdinasir Axmed Bashiir, ayaa sheegay in magacaabistan ay salka ku hayso “baahi jirta oo loo qabo dardargelinta howlaha xukuumadda”, gaar ahaan wasaaradaha door muhiim ah ka ciyaara kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha, iyo dib-u-dhiska dalka.



