Dhuusamareeb (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in bisha Maarso ee sanadka 2026 si rasmi ah looga bilaabi doono qodista shidaalka deegaanada dowlad-goboleedka Galmudug, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay qaadatay go’aan cad oo ku aaddan ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha, oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda xiritaanka Madasha Aragti-Wadaagga ee Hay’adda Heritage, ayaa sheegay in Soomaaliya ay muddo dheer ku jirtay dagaal iyo caqabado hor istaagay horumarkeeda, balse haatan ay u gudbeyso marxalad cusub oo ku dhisan isku-filnaansho iyo horumar dhaqaale.
“Waxaan go’aan ku gaarnay in aan isku filnaano, waxaan go’aan ku gaarnay in aan ka faa’iidaysanno kheyraadka dabiiciga ah ee dalkayaga, si aan u gaarno barwaaqo. Inkastoo ay jiraan diidmooyin, haddana diid ama yeel, bisha Maarso qodista shidaalka Galmudug way bilaabaneysaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.





