Qatar (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si diirran galabta loogu soo dhaweeyay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul wasaaraha ayaa lagu yiri "Ra’iisul Wasaare Xamsa oo casuumaad ka helay dhiggiisa Qatar, Shiikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa booqasho 3 maalmood oo rasmi ah ay ku joogi doonaan dalka Qatar, isaga oo kala hadli doona madaxda Qatar xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar"
Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmi doona ganacsata dalka Qatar si ay ugala hadlaan maalgashiga Soomaaliya, waxaana la qorsheynaya in labada dal ay kala saxiixdaan heshiisyo dhowr ah.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bishii May ee lasoo dhaafay booqasho ku tagay Qatar, halkaas uu kula kulmay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Xamad Al-Thani, iyagoo ka wada hadley iskaashiga iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal.






