Belgrade (Dawan) – Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray caasimadda Serbia, Belgrade, iyagoo bilaabaya booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah CabdiSalaam Cabdi Cali, iyo Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadam, taas oo muujinaysa ballaarnaanta ajandaha kulamada.
Sida ay Dawan u xaqiijiyeen ilo, labada dhinac ayaa booqashadan ku kala saxiixan doono heshiisyo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.



