Riyaad (Dawan)- Kooxda Real Madrid ayaa markii 13-aad ku guuleysatay koobka Super Cup-ka Spain kaddib markii ay 4-1 kaga badisay kooxda uu xifaaltanka kubadeed kala dhaxeeyo ee Barcelona.
Ciyaarta oo lagu qabtay Caasimadda Sacuudiga ee Riyaad, waxaa bandhig cajiib ah ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior, kaddib markii uu daqiiqadihii 7-aad iyo 10-aad dhaliyay goolkii 1-aad iyo 2-aad ee kooxda Real Madrid, halka goolka saddexaad oo ahaa rigoore uu dhaliyay daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta.Waxaa isaguna ka maseeray ciyaariyahanka ay isku waddanka yihiin ee Rodrigo isaga oo goolka afaraad u dhaliyay Reak Madrid daqiiqaddii 64-aad.

Dhinaca kale weerar yahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa daqiiqadii 33-aad dhaliyay goolka kaliya ee Barcelona, iyada uu Captain Ronaldo Araujo qaatay kaarka casaanka daqiiqadii 71-aad, taas oo dhabar jab kusoo noqotay kooxdiisa.









