Wajeer (Dawan)- Roobab xoogan oo ka da'ay saacadihii lasoo dhaafay Wajeer iyo deeganada ku teedsan ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay qeybaha kala duwan ee nolosha dadka.
Qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadaha Wajeer ayaan xalay seexan guryahooda kadib markii roobki day'ay uu keenay daad xoogan oo usoo galay guryahooda.
Daadadka ayaa saameyn xoogan ku yeeshay xaafadaha ay degganyihiin dadka dan yarta ah, waxaana adkaatay in la isaga goosho xaafadaha kala duwan kadib markii biyuhu jareen waddooyinka waaweyn iyo kuwa xaafadaha dhax mara.
Dhanka kale, waxaa laga cabsi qabaa in cuduro ka dhashaan daadadka iyo biyaha fadhiya waddooyibnka kadib markii wasaqda musqulaha ay ku darsantay meelaha ay biyuhu fadhiisteen.
Qaar ka mid ah dadkii uu saameynta ku yeeshay roobka ka da'ay sacadihii lasoo dhaafay Wajeer ayaa ka codsaday hay'adaha iyo maamulka in loosoo gurmado sidoo kalena biyaha fadhiya waddooyinka loo furo meel ay maraan.
Duniyo Maadey Xasan ayaa tiri " Meel aan wax ku karsano ma heysano, meel aan dab ku shidano mal ahan, alaab ma heysano, waxaan dowladda ka rabnaa in ay sid eg degg nooso gaarto oo wax noo qabato.



