Waaciye,Soomaaliya – Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, halka hanti kalana ay burburtay, ka dib roobab xooggan oo ka da’ay degmada Waaciye ee gobolka Karkaar, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Axmed Xasan.
Wiil yar oo sagaal jir ah ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay daadadkii ka dhashay roobabka, kadib markii Daadadku ay qaadeen, sida uu sheegay guddoomiyuhu oo la hadlay warbaahinta Puntland . "Roobabkii Guga saameyn weyn bay ku yeesheen naf iyo maalba, wiil yar oo 9 jir ah ayuu daadku qaaday," ayuu yiri.
Mas’uuliyiinta degmada iyo kuwa gobolka Karkaar oo kormeer ku tagay goobaha ay waxyeelladu saameysay ayaa sheegay in laba buundo oo muhiim u ahaa isku socodka iyo nolosha bulshada Waaciye ay burbureen, isla markaana ay halis ugu jiraan inay gabi ahaanba go’aan.





