Muqdisho (Dawan)- Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku tilmaamay heshiiska ay galeen Itoobiya iyo Somaliland tillaabo xad gudub ku ah Qaranimada Soomaaliya, wuxuuna Dowladda ugu baaqay in ay qaaddo tillaabo cad.
Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa maanta wada gaaray heshiis is afgarad ah kaas oo Itoobiya u ogolaanaya in ay isticmaasho Badda Soomaaliya.
Qoraal uu Rooble soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qoraan sida soo socota:
Waa wax lala yaabo aadna looga xumaado ficilka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia kaas oo xadgudub cad ku ah Qaranimada Soomaalliyeed sidoo kalena xasillooni darro ka abuuraya Gobolka Geeska Afrika.
Ilaalinta Gobonimada iyo Siyaadada Qaranka Soomaaliyeed waa Mas’uuliyad Dastuuri ah oo Dadka Soomaaliyeed ay u Wakiisheen Dowladdooda.



