Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa maanta magaalada Makindu ee ismaamulka Makueni ka daahfuray ololaha lagu beerayo 100 milyan oo geed guud ahaan dalka.
Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday dhammaan muwaadiniinteeda in ay ka qeyb qaataayn ololaha geed beerista ah, waxaana la fasaxay dhammaan howlaha dalka si dadku ugu helaan fursad ay uga qeyb qaataan ololaha dhireynta.
Ololahaan ayaa looga gol leeyahay in looga hortago xaalufinta dhirta iyo isbeddelka cimilada oo dhibaato weyn ku ah caalamka, gaar ahaan qaaradda afrika, waxaana lagu soo beegay xilliga roobabka si geesaha la abuuro ay u helaan biyo ku filan oo ay ku bixi karaan.
Dowladda ayaa soo diyaarisay geedaha la beerayo, iyada oo ay muwaadiniintu tegayaan xafiisyada guddoomiye xaafadeedyada si ay usoo qaataan geedka ay beerayaan, waxaana la faray Golaha Wasiirada in Wasiir kasta uu hoggaamiyo ugu yaraan geed beerista labo ismaamul.

Dowlad Deegaanka Garissa waxaa geedaha lagu beeray Jaamacadda Garissa University, waxaana daah furay Wasiirka Arrimaha Gudaha Prof. Kithure Kindiki.Kindiki ayaa sidoo kale hoggaamiyay daahfurka abuurista geedaha ee Bariga ismaamulka Wajeer gaar ahaan xerada ciidamada militariga ka hor inta uunan u gudbin bariga Mandera gaar ahaan machadka lagu tababaro dhakhaatiirta ee KMTC.



