Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta kala diray Golihiisa wasiirada kadib caradii ka dhalatay sharcigii canshuur kordhinta iyo bannaanbaxyadii dalkas qabsaday ee gaystay khasaaraha nololeed iyo midka hantiyadeed.
Ruto ayaa sheegay inuu go'aansaday inuu xilka ka qaado dhammaan wasiirada xukuumaddiisa marka laga reebo wasiirka arrimaha dibadda Musalia Mudavadi.
"Kadib markii aan dhageystay waxa ay doonayaan shacabka Kenya , qiimeyn ballaaranna aan ku sameeyay wax qabadkii xukuumadda, guulihii u qabsoomay iyo caqabadaha hortaagan, waxaan maanta go’aansaday in aan shaqada ka ceyriyo dhammaan xubnaha (wasiirada) si degdeg ah”. ayuu yiri, Ruto oo shir jaraa'id ku qabtay madaxtooyada dalkaas.
Ruto ayaa intaas ku daray inuu si degdeg ah wadatashiyo ballaaran ula samayn doono dhammaan qaybaha kala duwan ee ururada siyaasadda iyo bulshada rayidka si loo soo dhiso xukuumad sal-ballaaran oo wax ka qaban karta arrimaha degdega ah ee taagan.
"Inkasta oo aan horumar sameynay, hadana waxaan yaqiinsanahay in dadka Kenya ay rajo weyn iga qabaan, waxayna aaminsan yihiin in maamulkan uu sameyn karo isbeddelkii ugu ballaarnaa ee taariikhda qarankeena." ayuu markale yiri, Ruto
26-kii June, madaxweynaha Kenya waxa uu ka laabtay inuu saxiixo sharcigii miisaaniyadda kaas oo dhaliyay muran badan iyo mudaaharaadyo rabshada wata oo qabsaday magaalooyinka waaweyn ee dalkaas ayna ku naf waayeen ku dhawaad 40 ruux.



