Haiti (Dawan)- Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa booqasho ku tegay dalka Haiti, isagoo ku faanay in amniga dalkaas uu soo hagaagay kadib markii ay gaaraan ciidamada Boliiska dalkiisa oo ka qayb qaatay sugidda xasilooniida iyo la dagaalanka kooxaha hubeysan.
Sheegashada Ruto ayaa ka hor imaaneysa khabiir dhanka ammaanka ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay, kaas oo maalmo ka hor ka digay in rabshadaha Haiti ka jira ay sii darayaan, iyadoo kooxaha kasoo horjeeda dowladda ay soo xoogeeysteen bilihii lasoo dhaafay.
Ruto waxa uu booqday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha halkaas oo uu kula kulmay ciidamada Boliiska ee loo xilsaaray la dagaalanka kooxaha burcadda ah iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Haiti iyo Canada.
"Waxaad dadka Kenya ku metesheen geesinimo, karti, xirfad, is-xilqaan iyo naxariis," Ruto ayaa sidaas u sheegay ciidamada uu la kulmay.





