Muqdisho (Dawan)- Dowladda Ruusha ayaa sheegtay in ay usoo dirtay Soomaaliya markab sida 25 kun oo tan oo qamadi ah taas oo ka dhigan gargaar cunto oo loogu tala galay in wax looga qabto cunno yarida ka dhalatay saameynta dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Arrintaan waxaa sii xaqiijiyay, Danjiraha Russia u fadhiya Jabuuti, isla markaana Soomaalia ka wakiil ah, Mikhail Golovanov oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Sida uu caddeeyay Danjire Mikhail Golovanov, Markabka ayaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro maalmaha socda, iyada oo la filayo in qeyb kale oo gargaar ah jiri doonaan.
Wasiirka Beeraha ee Ruushka, Dmitry Patrushev ayaa billawgii bishaan November shaaca ka qaaday in ay kasoo baxayaan dalkiisa labadii markab ee ugu horeeyay oo sida qamadi, kuwaas oo ku wajahan Soomaaliya iyo Burkina Faso.



