Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa is beddel kooban ku sameeyay xukuumaddiisa kadib markii uu xilka ka qaaday Waiiradii Beeraha iyo Howlaha Guud.
War-saxaafadeed u aqriyay af-hayeenka xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka, Axmed Madoobe Nuunow, laguna beddelay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hore uga soo mid noqday xukuumadihii isaga dambeeyay dalka.

Sidoo kale, waxaa xilka laga qaaday Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Ismaaciil Sheikh Bashiir iyada oo lagu beddelay Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.






