Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa booqasho ku tegay garoonka dayaaradaha Aaden Cadde ee Muqdisho, si uu u xalliyo xiisad ka taagneed labadi maalin ee lasoo dhaafay.
"Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amray wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maamulka Garoonka iyo Shirkadaha Dayaaradaha inay si deg deg ah u qaadaan dadka rakaabka ee sugayay safaradooda". ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xafiiska xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay uga xuntahay xukuumaddiisu dib u dhaca iyo dhibaatada ay la kulmeen dadweynihii doonayay inay safraan maanta iyo shalay, waxa uuna ballan qaaday in aysan arrintaan soo laaban doonin mar kale.




