Jabuuti (Dawan)- Diyaaradda Rwanda Air ayaa si toos ah u bilaawday dulimaadyadeeda xamuulka ah ee ay ku tagayso Jabuuti, iyada oo mas'uuliyiinta Jabuuti ay ku tilmaameen tillaabo loo qaaday horumarinta iskaashiga labada dhinac.
Maamulka Marsooyinka iyo Goobaha ka caagan canshuurha ee Jabuuti ayaa soo dhawayn u sameeyay duulimaadkii ugu horeeyay ee ay Rwanda Air oo shalay ka degtay garoonka diyaaradaha ee Djibouti-Ambouli.
Diyaaradda Rwanda Air ayaa ka qayb qaadan doonta isku xirka ganacsiga gobolka iyo fududeynta shixnadaha kala duwan ee dhanka hawada ah kaas oo ka dhaqsa badan gadiidka badda.



