Jabuuti (Dawan)- Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD (ICPAC) ayaa soo saartay Saadaasha Cimilada ee 23-ka April ilaa 30-ka April 2024, iyadoo sheegtay in roobab mahiigaan la filaayo in ay ka da'aan qaybo badan oo ka mid ah Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.
Galbeedka iyo woqooyiga Kenya, waqooyi-bari Uganda, iyo koonfurta Itoobiya, ayaa la sadaalinaya in ay sidoo kale ka da'aan roobab xooggan.
Saadaashu waxa ay tilmaamaysa in koonfurta iyo waqooyi-galbeed ee Soomaaliya uu ka da'i doono roob lagu qiyaasay inta u dhexeeya 50mm ilaa 200mm.
Roobka la filayo ayaa muhiim u ah Soomaaliya, gaar ahaan beeraleyda iyo xoola dhaqatada oo noloshoodo ku tiirsantahay xilli roobaadka, inkasta oo ay jirto cabsi ah in daadad xoogan ka dhashaan deegaanada qaar kuwaas oo saameyn ku yeelan doona nolosha dad fara badan.






