Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa si adag uga jawaabay go’aanka lagaga qaaday xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo ku tilmaamay go’aankaas mid sharci-darro ah.
War-murtiyeed uu soo saaray ayuu Saalax ku eedeeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, inuu ku kacay gabood-fal iyo tallaabo aan waafaqsanayn dastuurka iyo xeer-hoosaadka golaha.
Senator Saalax ayaa caddeeyay in maqnaanshihiisa fadhiyada baarlamaanka uu la xiriiray waajibaad shaqo oo muhiim ah, isagoo sheegay in sababaha maqnaanshihiisu ay ahaayeen kuwo sharci ahaan waafaqsan dastuurka. Wuxuu intaas ku daray in aysan jirin wax awood sharci ah oo u siinaya Guddoomiye Cabdi Xaashi inuu xubin kale ka saaro Aqalka Sare ama uu soo magacaabo shaqsi aan doorasho ku imaan.
Saalax Axmed Jaamac wuxuu warqaddii uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, wuxuuna ku adkeeyay in waraqaddaasi aysan lahayn wax saldhig sharci ah, wuxuuna maqnaanshihiisa ku saleyay waajibaadkiisa shaqo ee Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka.
Shalay ayaa lagu dhawaaqay in Saalax Axmed Jaamac uu lumiyay xubinnimadiisii Aqalka Sare kadib markii mudaneyaasha baarlamaanka ay go’aamiyeen in laga laabto xasaanaddiisa, sababo la xiriira maqnaanshihiisa muddo laba sano iyo bar ah.






