Soomaaliya, 27 October 2025 – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Saalim Caliyow Ibrow u magacaabay wasiirka wasaarada Shaqada iyo arimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya, ka dib 10 sano uu ka maqnaa xilka wasiirnimo ee xukuumadihii is bedel bedal mudadaas.
War qoraal ah oo lagu daabacay bogga internet-ka ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in howladaha adag ee wasaaradddaan horyaalo uu yahay Saalim Caliyow shaqsi ka bixi karo. Waxa uuna badali doonaa xildhibaan Yuusuf Maxamed oo xilkaan horay u haayay.
Saalim Caliyow, oo leh khibrad siyaasadeed oo ka badan 25 sano, ayaa muddo 10 sano ah ka maqnaa xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka cusub, oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya tan iyo 2000, ayaa muddo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha bulshada, cadaaladda, iyo dhaqaalaha.





