Waxaa qoray Qoraa Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd).
Israa'iil waa dawlad la aqoonsan yahay ilaa 1948, xubinna ka ah Qaramada Midoobay, sidaas oo ay tahay ma aha dawlad caadi ah. Waa dawlad yar oo kibir badan oo aan marnaba u hoggaansamin go'aannada ka soo baxa Qaramada Midoobay ee iyada khuseeya. Go'aannada muhiimka ah ee Golaha Amniga QM soo saaray waxaa ka mid ahaa labada tirsigoodu yahay UN resolutions nr 242 iyo 338 oo amraya in Israa'iil ka baxdo dhulkii ay falastiinta ka qabsatay 1967. Waxaa kale oo jiray go'aan ka soo baxay Golaha Guud QM tirsigiisuna ahaa 194 oo amraya in qaxootiga falastiintu xaq u lee yihiin in ay dhulkoodii ku noqdaan. Waxaa kale oo soo baxay go'aan ah in ay jirayso dawlad Falastiin oo leh soohdimo dhawrsan sida dawlad Israa'iil u jirto. Marar badan buu Golaha Amnigu si adag u eedeeyay Israa'iil kuna amray in ay ka baxdo dhulka ay qabsatay, joojisana degaamaynta cusub. Laakiin marnaba Israa'iil u ma ay hoggaansamin go'aannadaas oo ah sharci caalami ah. Sidoo kale marnaba dunidu ma awoodin in ay go'aannadaa fuliso, amaba xitaa Israa'iil la cunaqabateeyo, sida badanaa dawladaha kale la gu sameeyo. Sababtuna waa reer galbeedka, siiba Maraykanka, oo aan marnaba oggolayn in Israa'iil si qallafsan loo la dhaqmo. Marka dawladdaa yar arrinkeedu wax uu noqday "La ma canaante ayaa caanihii daadiyay". Xaqiiqdii in dal keli ahi sidaa u ga sarreeyo sharciga dunidu wax ay fadeexad iyo wajigabax weyn ku tahay ilbaxnimada, caddaaladda iyo nadaamka dunida.
Maxay tahay haddaba sirta ku jirta in Israa'iil la canaanan waayo? Maxay tahay sababta dhabta ah ee reer galbeed gaar ahaan Maraykan godobta intaa la'eg gelinaysa? Wayddiintaa kolkii cimrigeedu dheeraaday joogtana ay noqotay waxaa ka dhashay jawaabo aan tiro iyo xaddi lahayn oo wada hadaltiro ah, jawaabta runta ahina hadaltiradaa badan bay ku dhex jirtaa, ku dhex luntay, ama ka dhex muuqataa.
Waxaa la yidhaahdaa reer galbeedku Israa'iil wax ay u taageeraan in ay dembidhaaf iyo damiir qabowsi u ga dhigtaan gumaadkii iyo hooggii taariikhiga ahaa ee ay dadka yahuudda qarniyada badan Yurub u gu geysteen, imikana wax ay arkaan oo ka difaacayaan badweyn carab iyo muslin ah oo jiritaanka dadka yahuudda halis ku ah. Taa wax baa ka jira laakiin run ma wada aha, waayo reer galbeed haddii damiirkoodu damqanayo gumaadka, addoonsiga iyo bililiqada ay dadka dunida u geysteen, ilaa maantana ku wadaan, wax la soo koobi karo ma aha. Dhanka kalena dembiga ay yahuudda ka galeen ma wax ay magdhaw u ga dhigayaan dembi kale oo ay galaan oo dadka falastiin ee masaakiinta ah dhulkooda u ga qaadaan?
Waxaa kale oo la yidhaahdaa reer galbeedka qaybtooda xooggan una badan Masiixiga Borotestaanka ah (Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka, Holland, Iskaandinaafiyanka, Ustaraaliya, Kanada…) caqiidadooda diineed waxaa ku jirta in ilaahooda Masiix soo noqonayo marka dawlad yahuudeed Falastiin ka hirgasho. Taana wax baa ka jira oo dad badan baa sidaa rumaysan, hadal caynkaas ah baana ku qoran Kitaabka Qudduuska, laakiin xaqiiqo ahaan reer galbeedka siyaasaddooda calmaaniga iyo hantigoosiga ah diintu ma jihayso, haba yaraatee, waxaa se wada danaha maaddiga ah. Haddii ay diin dan ka lee yihiin wax ay caawin lahaayeen ama dulmiga ka dayn lahaayeen dadayowga masiixiga ah ee gaajada u wada bakhtiyaya.
Waxaa kale oo la yidhaahdaa reer galbeed Israa'iil wax ay u gu dhintaan in ay yihiin dadka keliya ee iyaga la wadaaga qiyam iyo ilbaxnimo: taariikh, dhaqan, dimuqraadiyad, xorriyadda iyo xuquuqda haweenka, tusaale ahaan. Markaa ilaalinta Israa'iil waa ahaanshahooda oo ay ilaashanayaan. Taana wax baa ka jira oo xitaa falsafadda, cilmiga iyo halabuurka Yurub dadka yahuudda ayaa wax aad u weyn ku leh, laakiin jawaabtaasi run ma wada aha. Israa'iil qiyamkeeda dimuqraadiyadeed, xorriyadeed iyo xuquuqeed ma aha ta reer galbeedka oo kale ee waa mid ku dhisan cunsuriyad iyo yahuudinnimo, oo takoorta carabta muslinka iyo masiixiga ah ee dhulkaa ku la nool. Tusaale ahaan dastuurkoodu wax uu dhigayaa Israa'iil in ay tahay dawlad yahuudeed (diin), taasina wax ay luminaysaa xaqa muwaaddiniinta kale oo dhan.






