Jabuuti (Dawan)- Dowladaha Jabuuti iyo Sacuudiga ayaa qabtay tababar cusub oo lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha diinta ee imaamyada iyo mu'adiniinta Jabuuti. Tababarkan, oo qayb ka ah iskaashiga joogtada ah ee labada dal, waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Arrimaha Islaamka ee Jabuuti, Mu'min Xasan Barre, waxaana goob-joog ka ahaa danjiraha Sacuudiga ee Jabuuti, Feysal Bin Suldaan, iyo mas'uuliyiin kale oo ka socday waaxyaha diinta iyo culimada Sacuudiga.
Tababarkan ayaa diiradda saaraya kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha diinta ee imaamyada iyo mu'adiniinta, iyadoo si gaar ah loo doonayo in la xoojiyo waaxda diiniga ah ee Jabuuti iyo howlaha ay qabato. Jabuuti ayaa sheegtay in iskaashigan uu ka dhashay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Sacuudiga iyo Jabuuti, iyada oo laga amba qaadayo qorshaha labada dal ee lagu hormarinayo adeegyada arrimaha la xiira diinta.

Wasiirka Arrimaha Islaamka ee Jabuuti, Mu'min Xasan Barre, ayaa tilmaamay ahmiyadda uu tababarkan u leeyahay xoojinta waaxda diiniga ah ee imaamyada iyo mu'adiniinta. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay safaaradda Sacuudiga ee Jabuuti taageeradeeda ku aaddan barnaamijkan, isagoo adkeeyay in tababarkan uu kor u qaadi doono xirfadaha iyo qiyamka diinta ee imaamyada iyo mu'adiniinta dalka.






