Vienna (Dawan)- Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka bixisay Soomaaliya deyn uu ku lahaa Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee ururka OPEC oo gaareysa $36 malyan.
Munaasabad arrintan ku saabsan ayaa ka dhacday Magaalada Vienna ee xarunta Wadanka Austria, iyada oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige uu saxiixay heshiiska deyn bixinta.
Dhanka Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee ururka OPEC, waxaa u saxiixay Agaasimaha Guud ee Dr. Cabdulxamid Al-khalifa, iyada oo uu goob joog ahaa Wasiirka Maaliyadda Sacuudi Carabiya, Dr. Maxamed Al-Jadaan.
"Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen waxaa kaalin muhiim ah kulahaa Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wada hadal ka arrinkan xalka looga gaaray deyntaan iyo waddii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.








