Riyadh (Dawan)- Golaha Wasiirada Sacuudi Carabiya, oo uu shir guddoominayay Boqor Salmaan, ayaa si rasmi ah u diiday go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo khatar ku ah nabadda gobolka. Go’aankan ayaa sidoo kale mar kale xaqiijiyay taageerada Sacuudiga u hayaan midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Boqor Salmaan iyo Golaha Wasiirada ayaa ku adkeystay in Soomaaliya tahay dal mideysan oo aan la kala qaybin karin, islamarkaana tallaabo kasta oo lagu dhaawacayo midnimada dalka ay la kulmi doonaan iska caabin xooggan.
War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirada Sacuudi Carabiya ayaa muujinaya welwelka ay ka qabaan saameynta uu aqoonsiga Israa’iil ku yeelan karo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo la caddeeyay in taageerada loo fidinayo Soomaaliya ay tahay mid aan shaki lahayn.




