Muqdisho – 07 Juun 2025: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in saddex horjooge oo sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan, taariikhdu markay ahayd 6-da Juun 2025.
Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada deegaanka, iyo saaxiibada caalamiga ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ka hadlay howlgalka, ayaa sheegay in uu bartilmaameedkiisu ahaa horjoogayaal sare oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab. Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in saddex horjooge lagu dilay howlgalka, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay:





