New York – 3-da Janaayo 2026 (Dawan)- Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Daahir Cusmaan, ayaa Jimcihii sheegay in siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya aysan wax isbeddel ah ku imaan, isaga oo meesha ka saaray hadallo uu ku tilmaamay kuwo ku eg baraha bulshada.
Danjire Abuukar, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bisha Janaayo, ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada New York, xilli uu warbaahinta la wadaagayay ajandaha shaqo ee Golaha Ammaanka ee bishan.
Mar la weydiiyay hadallo ku faafay baraha bulshada, oo ay ku jireen kuwo loo aaneynayay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo lagu tilmaamay kuwo lid ku ah Soomaalida, iyo warar sheegaya in Mareykanku ogyahay ama taageersan yahay aqoonsiga ay Israa’iil u fidisay Somaliland, Danjiraha ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.
“Baraha bulshada waxay abuureen jawi uu qof walba isku arko khabiir,” ayuu yiri Danjire Abuukar. “Arrimahaas waxaan u arkaa kuwo shakhsi ah, mana doonayo inaan ka jawaabo.”





