Hargeysa (Dawan)- Hoggaamiyaha Xisbiga Hilaac, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka Somaliland in ay qabtaan doorasho xalaal ah oo ku dhacda waqtigeeda.
Prof. Samatar oo socdaalkiisii ololaha Isniintii ku tegay Gebilay, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda Somaliland, gaar ahaan gobollada Awdal iyo Salal.
Professor-ku waxa uu sheegay in dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland ay tahay in ay helaan xorriyad ay kaga qayb-galaan doorashada iyadoo aan lagu xireyn kala qaybsanaan siyaasadeed.
Sidoo kale waxa uu hadalakiisa ku daray saamaynta xun ee kala qaybsanaanta siyaasadeed ku leedahay wada jirka iyo wada noolaanshaha shacabka Somaliland.
Prof. Samatar ayaa mar kale ballan qaaday sida ay uga go’antahay in uu la shaqeeyo cid kasta oo si dimoqraadi ah loo soo doorto, haddii doorashadu u dhacdo si xor iyo xalaal ah, isaga oo xukuumadda ku eedeeyay in ay qeyb ka tahay colaadaha ka soo cusboonaaday qaybo ka mid ah Somaliland, kuwaas oo sida uu sheegay caqabad ku noqday in Somaliland ay hesho aqoonsi caalami ah.





