Muqdisho (Dawan)- Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) oo dhawaan loo magacaabay Agaasimaha Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimihaha xilka banneeynaya ee Mahad Maxamed Salaad.
Munaasabadda xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Hay'adda waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga, taliyayaasha ciidamada iyo mas'uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Taliyihii Hore ee Hay'adda Mudane Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey horumarinta shaqada Hay'adda, isagoo u rajeeyey Taliyaha cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla.
“Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa in aad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhoweysataan. Shaqada noo taala waa dagaalka Khawaarijta oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaagno”. ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranku ay u leedahay qorshaha xoreynta dalka, waxa uuna sheegay in ay horseed u ahayd deegaannada laga xoreeyey gacanta argagixisada.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismayaasha qaybta Sirdoonka iyo Akadeemiyadda Jilicoow ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo qaab casri ah loo dhisay.




