Muqdisho (Dawan)- Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta u gudbiyay Maxkamadda gobolka Banaadir liiska magacyada saraakiil lagu eedeyay xatooyo xoolo dadweyne, been abuurka dukumiintiyo dowladeed, ku takri fal Xafiis dowladeed iyo qaadasho laaluush.
Eedeysanayaalkaan gaaraya lixda qof ayaa ka tirsan xafiiska Canshuuraha Barriga ee degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.



