GURYASAMO, Puntland – Xubin muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish ayaa lagu dilay howlgal isugu jiray dhul iyo cir oo laga fuliyay deegaanka Guryasamo, buuraleyda Cal Miskaad ee gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo Puntland ah.
Axmed Muuse Saciid, oo ahaa xiriiriyaha u dhexeeya hoggaanka sare ee Daacish iyo xubnaha ajaanibta ah ee kooxda ku soo biira, ayaa lagu dilay howlgal ballaaran oo qayb ka ah wajiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama Puntland.



